Dawladda oo samaynaysa sharci caawinaya dadka curyaanka ah

Dawladda ayaa rabta in ay isbeddel ku samayso sharciga dadka curyaanka ah u sahlaya in ay gaadhi-curyaankooda ku galaan goobaha bulshada kulmiya, sida dukaamada iyo makhaayadaha.

Sharciga hadda jira ee arrintan ku saabsan ayaa dhigaya in goob kasta oo ay ka shaqeeyaan in ka badan 10 qof loo sameeyo meel u sahlaysa in qofka curyaanka ahi soo gali karo ama ka bixi karo. Laakiinse goobaha uu sharcigani sida weyn u khuseeyo oo ay ka mid yihiin makhaayadaha iyo dukaanadu ayaa tobankiiba mid ka mid ahi yahay goob ay ka shaqeeyaan in ka badan toban qof, halka intooda badan goobahan ay ka hawlgalaan shaqaale ka yar toban qof. Taasina waxa ay keenaysaa in uu wali culayskii jiro oo ay dadka curyaanka ahi dhib ku qabaan arrintaasi. Sidaa daraadeed dawladda ayaa hadda rabta in ay dib u eegis ku samayso sharcigan. Wasiirka dhaqanka iyo dimoqraadiyadda Alice Bah Kuhnke ayaa sheegtay in ay isbeddel ku samayn doonaa sharcigan, kaasi oo dhaqan gali doona badhtamaha sannadkan. Laakiinse wasiirku way ka gaabsatay in ay sii faahfaahiso sida uu sharciga cusubi noqon doono.

Malin Hammarström ah qof curyaan ah ayaa ku doodaysa in sharcigu noqdo mid cid kasta raaligelinaya.

- Sharcigu waa in uu noqdaa mid cid kasta khuseeya. Haddii qofku sidaa u hoggaansami waayo, waa in uu keenaa sababtii uu sharciga u raaaci waayay.

Taasi waxa ay ahayd Malin Hammarström ah qof curyaan ah oo ka hadlaysay sharciga ku saabsan sidii dadka curyaamiinta ah loogu fududayn lahaa in ay gali karaan goobaha lagu kulmo.

Xigasho: Ekot