Sharciyaqaan hadalo cunsuriyad ah ku qoray internetka oo shaqadiisii si wata

Kalkaaliyaha xildhibaanada xisbiga Sverigedemokraterna u fadhida baarlamaanka Midawga Yurub ee Kristina Winberg oo la fashiliyay in uun hadalo  cunsuriyad ah ku qoray bogga internetka ee Flashback ayaa shaqadiisi sii wata

Laba usbuuc ka hor ayay ahayd markii wargeyska Aftonbladet uu fashiliyay ninkan. Markaas oo xildhibaanad Winberg ay sheegtay in uu shaqada iskaga tegaayo.

Balse wargeyska Aftonbladet ayaa maanta ku waramaya in ninkaasi uu sii wato shaqadiisii uu ka hayay xafiiska Kristina Winberg ee magaalada Brussels, in uu shaqada ka tagona lagama yaabo maddama oo in shaqada la iskaga tagaa ay qaadanayo  nidaam dheer.

Isha: Ekot

samir.dualeh@sr.se