Qaraxii ka dhacay Nyköping oo lala xidhiidhiyay kooxo danbiilayaal ah

Booliiska ayaa shalay xaqiijiyay in ay u malaynayaan in uu bam ahaa, qarixii maalintii isniinkii ka dhacay guri ku yaalla magaalada Nyköping, kaasi oo ay ku dhinteen laba qof.

Laba qof ee dhacdan ku dhintay ayaan ilaa hadda si rasmi ah aanu booliisku u caddayn, laakiinse waxa la ogaaday in ay labadan qof hore xidhiidh la lahaayeen danbiyo hore u dhacay. Sidaasi daraadeed, haayadda sirdoon ayaa arrintan baadhitaan ku wadda hadda.

Xigasho: DN