Hal nin oo loo qabtay qarixii ka dhacay Nyköping

Nin da'diisu tahay 30 jir ayaa boolisku ku qabteen magaalada Stockholm. Ninkan ayaa looga shakisan yahay in uu ku lug leeyahay qarax maalintii isniinta ka dhacay guri ku yaalla deegaanka Brandkärr ee magaalada Nyköping.

 Sidoo kale booliisku waxa ay heleen hal gaadhi oo loo malaynayo in uu xidhiidh la leeyahay dhacdadan. Ninkan la qabtay ayaa lagu eedaynayaa in uu galay danbi khatar ku ah aadama.

Xigasho: DN