Soomaaliya ma cabsi mise rajo ayaa laga filan karaa

6:57 min

Wax badan ayaa wax laga qoray soomaalida reer Sweden, idaacadaha laga baahiyey la xiriira xumaanta, ceebaha iyo khaladaadka ey leeyihiin, hase yeeshee uu dhowaantan soo bixi doonaa buug looga xaajooneyo Soomaaliya.

Waana mid ka duwan ama wax ka bedeleya sawirkii horay soomaalida looga baahin jiray:
- Buugga waxaa lagu magacaabaa "Soomaaliya ma halis baa ka soo socota, mise rajo". Hase yeeshee wuxuu buuggu sidoo kale leeyahay cinwaan hoose oo aan ugu magac darey "Waddan aan marna faraha lagala bixin. Bulsho aan weligeed is dhiibin". Ereyadaasi waxay ka imanayeen afka qoraaga buugga, Tomas Magnuson.

Waa kuma haddaba Magnusson:
- Magacaygu waa Tomas Magnusson, waxaan in muddo ahba la soo shaqeeynayay ama ka dhex shaqeeynayay soomaalida reer Sweden, sidoo kale waxaan booqasho marar badan ku tagay Soomaaliya. Dhowaantanna waxaan soo saari doonaa buug aan muddo saddex sannadood ah ku howlanaa, sida uu sheegay qoraaga buugga "Soomaaliya ma halis baa ka soo socota, mise rajo".

Muddo 24 sannadood iminka laga joogo ayuu Tomas Magnusson isaga oo ka howl-gala laanta socdaalka ee degmada Göteborg uu markii ugu horreeysay la kulamay laba shaksi oo soomaaliya ka soo jeeda. Waana kulankii ugu horeeyay ee dhex mara Tomas Magnusson iyo cid Soomaali sheegata. Muxuu haddaba ahaa kulankaassi oo mirihii ka soo baxay 24 sannadood dabadeed uu noqday buuggan. Tomas Magnusson iyo mar kale:
- Waxay ahayd mar ey ii yimaadeen dhowr soomaali ah oo doonayey iney urur dhisaan. Labadaa ruux oo rag labaduba ahaayen, illaa iyo hadda waxaan leenahey xiriir. Waxay ahayd bilowgii sagaashameeyadii. Waxeey ahaayeen laban in oo dhan ku talo jirey sidii ey meel isugu keeni lahaayeen soomalidii waagaa ku dhaqneyd Göteborg, dhanka kalena aan wax badan ka wada xaajooney xaaladdii ey soomaaliya ku jirtey iyo sidii dib u dhiskeeda gacan looga geey-san lahaa. In dagaalka iyo caqabaduhu istaagaan iyo siddii loo dhisi lahaa bulsho shaqeeynaysa. Raggaasina oo markii hore aad uga howl-geli jirey Sweden, dabadeedna u xuub-siibtey sidii ey dalkoodii hooyo dhismihiisa ey gacan uga geey-san lahaayeen. Waxaana jira dadyoow badan oo howlahaa gacan ka geeysta, sida uu sheegay Tomas Magnusson, qoraaga buugga:
- Markii ugu horreeysay oo aan Soomaaliya tago waxay ahyad sannadkii1998, safarkaasina oo aan isu raacnay mid ka mid ah labadaa nin ee aan horay uga hadlay. Safarkaa waxaan ku tagay carriga Puntland. Waxayna ahayd xilligii lagu guda jiray dhismaha maamulka Puntland oo aan goob-joog ka ahaa.
- Isagoo hadalkiisii sii waatana sheegay inuu safarro 15 kor u dhaafay ku tagay Soomaaliya oo ey ka mid ahaayeen goobaha uu safarrada ku soo kala bixiyay Puntland, Somaliland iyo mar uu safar ku tagay magaalada Jowhar, ahaydna xilligii ey dawladdii ku meel-gaarka ahayd ee uu madaxda ka ahaa Cabdullaahi Yuusf xarun ka dhigtay magaaladaasi intii aaney u wareegin Baydhabo.

Muddadii 24-ka sannadood ahayd ee ka horreeysay qorista buuggaan, isla-markaana xiriirka aan la lahaa soomaalida reer Sweden iyo Soomaaliya ayuu sheegay inuu sawirka uu ka qaatay soomaalida iyo Soomaaliya yahay mid guud ahaan wanaag-san iyo dhibaato kasta oo ey soo mareen sida aaney weli uga rajo dhigin sidii ey qayb uga noqon lahaayeen dib u dhiska dalkooda. Isaga oo middaa ka waramayana wuxuu sheegay:
- Dagaalkii sokeeeye ee dhibaatadu ka bilaabatay, ururradii xag-jirka ahaa ee hor istaagey howl waalba ee la doonayey in tallaabo horay loogu qaado. Iyada oo dhibaatooyinkaa oo dhami jireen ayey haddana dadka qaarkii aaney ka daalin sidii Soomaaliya dib lugaheeda loogu istaajin lahaa.

Inta badan sida soomaalida reer Sweden qabaan in badanaa laga qoro ama laga baahiyo saiwir aan wanaag-sanayn, buugganina la oran karo inuu middaa kaga duwan yahay. Qoraaga buugga Tomas Magnusson oo su'aashaa aan hor dhigay ayaa ku jawaabay in wax badan aan Soomaaliya laga qorin, oo waxyaabaha inta badan laga hadlaa ahaayeen soomaalida reer Sweden, haddii idaacaduhu Soomaaliya ka hadlaanna ahayd un sawir aan wanaag-sanayn oo la xiriira dagaallo, is-qarxis, argagixiso iyo wixii la mid ah. Haddaaba su'aashu waxay tahay maxay soomaalida reer Soomaaliya iyo soomaalida dalkan timid ku kala duwan yihiin. Maxaa kuwanna xumeeyey, kuwaana ammaanay. Qoraaga oo ay su'aashaasi kedis ku noqtay ayaa sidan uga fikir dhiibtay:
- Alla, waa su'aal aad u adag. Soomaalidu waa bulsho leh dhaqan iyo diin ey aad ugu dhaggan yihiin. Waa waxyaabaha la oran karo wey ka siman yihiin, sida aan sawirka ka qaatay ama ku arkay Soomaaliya, sida uu sheegay. Isagoo hadalkiisii sii watana wuxuu yiri:
- Farqiga u dhexeeya ayaa noqon kara in soomaalida reer Sweden ka badbaadeen saameeynta dagaalada, hase yeeshee khilaafkan muddada ka socday Soomaaliya oo aan dhammaan ey sabab u yihiin xoogag waddammo dibadda ah oo faraha la soo galey howshan, sida uu sheegay Tomas Magnusson. Ahna qoraaga buug dhowaantan soo bixi doona oo loogu magac-darey SOMALIA HOT ELLER HOPP?
Ett land som aldrig lämnas i fred. Ett folk som aldrig ger upp - Soomaaliya ma cabsi baa ka soo socota, mise rajo. Waddan aan faraha lagala bixin. Bulsho aan quusan (is-dhiibin).

                                                                                                             kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista