Xeerarka cusub ee maanta hirgaley

7:10 min

Laga bilaabo koowda bisha luulyo ayey dalka Sweden ka hir-geli doonaan xeerar ey ka mid yihiin in aqalka looga tegi karo dal ku gal uu shakhsigu leeyahay, isla-markaana lagu safri karo dhammaan waddammada xubnaha ka ah EU iyada oo la adeegsaneyo oo keliya kaarka aqoonsiga ee qaran.

Waxaa sidoo kale kor loo qaadey qiimaha waalidku ku bixin doonaan dhallaanka dhigta dugsiyada xanaannada, iyo weliba in si buuxda loo hir-geliyo nidaam horay aad loogu dhaleeceeyey ee la xiriira kaararka aqoonsiga macallimmiinta. Dhammaan waxyaabahaasi waxey ka mid yihiin shuruucda cusub iyo kuwa wax laga bedeley ee ka hir-geli doona dalkan laga bilaabo 1-da bisha luulyo ee sannadkan 2015. Zara Warglo waa madaxa laanta hor-umarinta aqoonta ee wakaaladda iskuulka - Skolverket:
- Waa mid sahlan in la fahmo in dhammaan macallimiintu u baahan yihiin kaarar aqoonsi ee macallin-nimo, sidii ey xirfaddaa ugu shaqeeyn lahaayeen shahaadooyinna u bixin lahaayeen. Macallinkii sugaya kaar-aqoonsi ee macallin-nimo waxay masuuliyad ay ka saaran tahay diratoorka ama cidda iskuulka ka masuulka ah in loo ogolaado in macallinkaasi uu howsha halkaa ka sii wado in muddo ah, sida ay sheegtay Zara Warglo, mar uu la hadlays ay laanta idaacadda P4 Skaraborg.

Nidaamkan ayaa aad loo dhaleeceeyey maadaama in muddo ah la sugo sidii kaarkaa lagu bixin lahaa. Intaa waxaa dheer in macallimiinta dhigta luuqadda hooyo iyo kuwa dhiga xirfadaha gaarka ah ey halkooda howlahaa ka sii wadi doonaan iyaga oo aan heysan aqoonsi macallin-nimo.

Laga bilaabo 1-da bisha luulyo waxaa kor loo qaadi doonaa barashada luuqadda hooyo, iyadoona wax laga bedeli doono xeerka iskuulka lagu hago. Maadaama loo ogolaan doono in dhallaanka ku hadla shanta luuqadood ee qowmiyadaha laga tirada badan yahay (samiska, meänkieli, jiddisch, finska iyo romani chib) ey dhigtaan luuqaddooda hooyo xitaa haddii aaney horey aqoonin ugu lahayn, ama aannu waalidkood ku hadal. Middaasina looga gol leeyahay sidii loo adkeeyn lahaa kaalinta luuqadahaasi, sida ay sheegtay Nermina Wikström, kana mid ah saraakiisha ka howl-gasha Skolverket, mar ay wareeysi siisay laanta idaacadda ee Radio Romano:
- Luuqaddu waa muhiim, waana midda dhaqanka xambaar-san, isla-markaana mideeysa qowmiyadaha laga tirada badan yahay, luuqadda wadaaga ee dalkan iyo waddammada caalamkaba ku dhaqan. Muhiimad ayey ku fadhidaa in aqoon buuxda loo leeyahay luuqadda iyo dhaqanka qowmiyadaha laga tirada badan yahay waayo waxaa laga heleyaa aragtiyo dhaadheer iyo weliba in kaalin buuxda laga qaato howlaha bulshada ee dalka iyo waddammada kaleba ka socda.)

Si haddaba kor loogu qaado tayada tacliinta waxaa sidoo kale wax laga bedeli doonaa xeerka iskuulka iyo sidii iskuullada loogu sahli lahaa in tacliin lagu qaato aaladda internet-ka.
- Si ardaygu u heli karo xiisadda barashada luuqadda hooyo oo tayo leh, xitaa haddii aaney iskuulka ku sugneyn dhallaan ku filan ee luuqadda ku hadla. Luuqadaha casriga ah iyo sidoo kale maadooyinka kale, middaasina oo la ogsoon yahay in tayada wax-barasho kor loogu qaadi karo, sida uu sheegay wasiirka wax-barashada Gustav Fridolin mar uu sannadkii ina dhaafay u warramayay laanta wararka ee Ekot.
Waxaa wax laga bedeley xeerka deeymaha ardeyda dooneeysa iney tacliin ku qaataan dalka dibaddiisa, iyadoona la ogolaadey in la qaadan karo deeymo ka badan sidii wax looga baran lahaa jaamicadaha qaaliga ah. Waxaa iminka la suurtagelin doonaa dhaqaale u dhigma kuwa la siiyo ama ku baxda ardeyda Sweden, halkii horay loo eegi jirey heer nololeedka dalka uu ardeygu wax ka barto.

Dawladda ayaa sidoo kale damac-san inay aragto in dhallin-yarada dembiyada gasha ey xukunnadooda - ungdomstjänst u qaataan si ka degdegsiinyo badan sidii hore. Ciqaabta Ungdomstjänst ayaa ah mid dhallin-yarada loogu talo galeey ee aan ahayn xabsi ama ganaax, middaasina oo macnaheedu tahay iney si mutadawac ah ugu shaqeeyaan fiidadkii iyo labada maalmood ee fasaxa lagu jiro, isla-markaana xiriir wada-hadal la leeyihiin saraakiisha hayadda adeegga bulshada inta wakhtigaa lagu guda jiro. Halka ay maanta ka qaadato muddo dheer inta ey ka bilaabeyaan.
- Waxaan xeerka ku qeexeynaa in dhallin-yaradu bilaabaan howlaha ciqaabtooda ugu badnaan muddo laba bilood gudahood ah, laga bilaabo kolka uu xukunku ku dhacay. Waana mid direeysa dhambaal cad, sida uu sheegay wasiirka cadaaladda Morgan Johansson (S) mar uu u warramayay idaacadda la iska daawado ee SVT, bishii jannaayo ee sannadkan.

Waxaa kor loo qaadey qidmadda waalidku ku bixiyo dhallaankooda dhigta dugsiyada xanaannada, iyadoona saqafkii ugu sarreeyay laga qaaday 42 000, lana gaarsiiyay 42 890 koron.

Sidoo kale waxaa 144 koron kor loo qaadey sannadkii qidmadda laga bixiyo heysashada aaladda TV-ga. Iyadoona la gaarsiiyey 2 216 koronka iswiidhishka ee sannadkii.

Muwaadiniinta iswiidhishka ee ku talo jira iney u socdaalaan waddan ka mid ah waddammada dhaca EU ayay suurtagal u noqoneysaa iney ka maarmaan dal ku galka iyagoona isticmaali doona kaar-qarameedka aqoonsiga. Iyo weliba in kaarkaa loogu safri karo dalka boqortooyada ingiriiska. Isagoona uu is-bedelkani salka ku hayo howlaha ururka EU-da ee xuduudaha la isugu fureyo.

Halka dhanka kale loo suurtageliyey haydaha la dagaalanka dunuubta ee dalkan Sweden iney daalacan karaan kaydka kombiyuuterka dunuubta ee waddammada ku midoobey ururka Midowga Yurub ee magaciisa loo soo gaabiyo VIS, halkaasina lagu keeydiyo xogaha shakhsiga, sawirka, summadda faraha cid walba oo viisa soo dalbata. Middaasina oo goolka laga leeyahey ay tahay sidii looga hor-tegi lahaa, loo sahli lahaa baaritaannada la xiriira falalka argagixis iyo dembiyada culculus.

Isha/ Radio Sweden, Ekot, P4 Skaraborg.

                                                                                                 kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista