Alamedalen iyo dhaman khudbadihii oo dhamaystiran iyo barnamija jimacaha

Almedalen iyo Gustav Fridolin

Qayb ka mid ah hadalkii wasiirka waxbarasha ahna gudoomiyaha xisbiga cagaarka ee Almedalen.

Gustav Fridolin oo ah gudomiyaha xisbiga cagaarka   ayaa qudbadiisi maanta ka akhriyay Almedalen oo ah madal ay ku kulmaan sannadkasta siyaasiyiinta iyo haldoorka wadanka iswiidhan  waxa uu sheeegay isagoo ku hal qabsana warbixintii xisbiga Socialdemockrat ka. ayaa waxa uu yidhi , Had iyo jeer dawlada cusub waa mid ay soo wada dhisaan laba xisbi oo wada shaqayn ku soo dhisa dawlad. Imika in mudo ah xisbiyadayada isbahaysiga mid ka mid ah dawlad ma soo dhisin , hadiii aan dib u noqono 8 sanno oo markii ay isbahaysigu soo dhiseen dawlad iyado in badan oo wasiiradooda ka mid ah is casileen sababo kala duwan awgood. Isbarbar dhig hada waxan dareemaynaa deganansho.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista