Saddex qof oo ku dhaawacmay Örebrö

Saddex nin ayaa ku dhawacmay  toogasho degaanka Vivalla ee magaalada Örebrö, waxaana la keenay cisbitaalka habeenimada maalintii axada.

Saddex nin ayaa ku dhawacmay  toogasho degaanka Vivalla ee magaalada Örebrö, waxaana la keenay cisbitaalka habeenimada maalintii axada. Boolisku ilaa hada uma qaban cid lagu tuhunsan yahay rasaasaynta. Saddex dan qof oo ku dhaawacmay ayaa laba kamid ah da’adoodu tahay 20 iyo 29 jir, labadas oo lagu qaaday gaadhiga gargaarka degdega ah , halka mid ka mid ah uu yahay dhaawac fudud labada kalena ay u dhaawacmeen si khatar nolooshada galin karta.

 Warbixinta booliska ayaa ah mid aan wali baadhitaankii loo baahnaa la dhamays tirin , lakiin warbixintii ugu horeysay ayaa sheegaysa in dhacadan ay ka dhacaday laba koxood.

Isha: P4Örebro

 istahl.aideed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista