Haddile oo ku noolaan karta Iswiidhen

Sida uu baahiyay telifishinka SVT qeybtiisa gobolka Skåne, waaxda socdaalka ayaa imminka go’aan ku gaartay in gabar shan jir ah oo sharcigeeda deganaanshaha muran ka taagnaa, in imminka ay ku noolaan karto dalka Iswiidhen ka dib markii sharcigeeda deganaanshaha uu noqday mid joogta ah.

Gabadhan oo da’deedu tahay shan sano ayaa waxaa la yiraahdaa Haddile, waxayna wajahday xaalad hubinta la’aan ah sannadkii 2012-ka ka dib markii hay’adda socdaalka go’aan ku gaartay in loo masaafuriyo dalka Faransiiska oo ay ku nooleed hooyada dhashay.

Go’aanka hay’adda socdaalka ayaa dhaliyay muran iyo dhalleeceyn waayo gabadhan ayaa ku dhalatay kuna barbaartay Iswiidhen, iyada oo la nool qoys korinaya oo degan oo degan deegaanka Broby halkaasi oo ay ku nooleed inta badan nolosheeda.

Sannadkii 2013 ayay hay’adda socdaalka waxay siisay Haddile sharci deagaansho oo labo sano ah iyada oo hay’adda quud dareeneysay in la isu geeyo gabadha iyo waalidiinta dhalay.

Reerka korinaya Haddile ayaa sheegay in waalidka dhalay ay mar qura soo booqdeen . Hooyada dhshay ayaa waxay ka soo jeedaa dalka Aljeeriya waxaana lagu waramayaa in imminka ay ku nooshahay halkaasi.

Mohamed Amiin Adow

mohamed_amiin.adow@sr.se

Källa: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista