Dalxiisayaasha Ruushka oo ka yaraaday Iswiidhen

Dalxiisayaasha shisheeya ee soo booqanaya Iswiidhen ayaa kordhaya hase yeeshee kuwa ka imaan jiray dalka Ruushka ayaa yaraaday.

Shanta bilood ee ugu horreeysay sannadkan, dalxiisayaal kor u dhaafaya afar milyan ayaa yimid Iswiidhen. Waa sare kac 8 boqolkiiba ama 300 000 kolka lala barbardhigo isla xilligan sannadkii hore, sida ka muuqata tirakoob cusub oo ay soo saareen xafiiska tirakoobka ee SCB waaxda kobaca dhaqaalaha.

Booqashada dalxiisayaasha Ruushka ayaa saddex meelood meel hoos u dhacday bishii Maajo ee sanandka. Ma han Ruushka oo keliya ee sidoo kale waxaa hoos u dhac ku yimid dalxiisayaasha ka imaan jiray dalka Mareykanka.

Mohamed Amiin

mohamed_amiin.adow@sr.se

Källa: SVT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista