Adeega tagaasida Uber oo looga shakiyay canshuur xadid

Adeega taxi-ga Uber ayaa wajahay mowjad kale oo dhib ah ka dib markii hay'adda cashuuraha ee skatteverket ay su'aalo ka keentay habka cashuur bixinta ee addegaasi taxi-ga iyada oo sidoo kalana booliska bilaabeen baaritaan.

Waxaa shakiga ugu horeeya laga muujinayaa adeega Uber pop, oo ah hanaan dadka shakhsiyaadka caadiga ee baabuurta iska leh ay ku qaadaan rakaab kana qaataan ka dib kolka ay geeyaan halka uu rakaabka doonayo, ka qaataan lacag.''

Hanaanka tagaasida ee dadka caadiga ah kaga shaqeystaan gawaaridooda gaarka ah, ayaa ka bilowday Iswiidhan deyrtii hore hase yeeshee tan iyo xilligaasi booliska yaa bilaabay baaritaan ku qotomo shakiyo laga muujinayo xagga cashuur bixinta ee dadka gaadiidkooda u isticmaal taxi-ahaan iyaga oo soo maraya hanaanka Uber pop ama adeegyada la midka ah.

Uber ayaa dooneysa in ay isu aragta in ay tahy shirkad xiriirin keliya ku ek, oo aan cashuur ku waajibin. Shirkada ayaa fariin email-ah oo ay u soo dirtay wakaaladda wararka TT ku sheegtay in darawalka ku shaqeysanaya gaarigiisa uu mas'uul ka yahay canshuur bixinta lacagaha uu shaqeysto.

Källa: SVT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista