Hanaanka la dagaalanka kaneecada oo la dhaliilay

Habka la dagaalanka kaneecada ee loo adeegsado dawada noolaha ee lagu buufiyo biyo mareenada sida waraha iyo webiyada si loola tacaalo kaneecada ayaa waxaa shaki ka muujisay hay'adda biyaha iyo badaha Havs- och vattenmyndigheten.

Nidaamka ayaa sanado fog waxaa isticmaalayay ilaa iyo toddobo degmo oo ku yaalla jiida hoose ee wabiga Dalälven.

Degmooyinka ayaa hadda ka helay dowlada kaalmooyin cusub oo lagula dirirayo kaneecada.

Sida guud ahaan ay u saammeyn karto arrinka xiriirka ka dhaxeeya noolaha iyo beey'ada ayaan loo baarin si ku filan iyo sidoo kale faa'iidada ay u leedahay dadka, leedahay hay'adda Hav.


Hay'adda Hav ayaa sheegtay in aan la ogeyn in dawada lagula lagu diriro kaneecada in ay tahay mid wax qabad leh oo yarreysa tiradda kaneecada iyada oo sidoo kale hay'addu sheegtay in ay adagtahay in la ogaado saammeynta fog ee ay dawadani ku keeni karto dabiiciga deegaanka.

Hase yeeshee waxay sheegtay hay'adda in dawadani la buufiyo ee lagula diriro kaneecada in ay leedahay halis wax yeelo ku keeni karta xiriirka noolaha iyo beey'ada oo sababi karto isu dheeltir la'aan.

Jan Lundström, oo ah cilmi baare ka tirsan jaamacadda Uppsala kana tirsan hay'ada la dagaalanta cayayaanka ee ka howl-gasha jiinka ama daanta hoose ee webiga ee webiga Dalälven ayaa la qabin hay'adda shakiga ay ka muujineyso wax qabadka dawada la buufiyo ee kaneecada.


Lundström ayaa sheegay in waxtarka daawada ay habboontahay in wax laga weydiiyo dadka ku nool webiga hareerihiisa sida deegaanka Österfärnabo halkaasi oo uu sheegay in si weyn loo xakameeyay tirada kaneecada.

Källa: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista