En grupp flyktingar som anlände till Rødby i Danmark var på väg till fots mot Sverige, de har nu återvänt. Foto: TT
En grupp flyktingar som anlände till Rødby i Danmark var på väg till fots mot Sverige, de har nu återvänt. Foto: TT

Denmark oo xuduudka ilaalinaysa

Jidhka logu talo galay babuurta xawliga dheer, motorväg, ee ku yaala waddanka Denmark oo hore loo xidhay, madama tiradii qaxooti ee Iswiidhan ku soo socotay ka faro badatay, ayaa xalay hadana gawaadhida loo furay.

Jidhkan,E47, ayaa laga xidhay qaxooti wadamadoodi ka soo lugeeyay, si aaney Iswiidhan u soo gaadhin.Iswiidhan oo ay ka raadsanayaan sharciga deganaashaha .Kuwan ayaa gaadhaya 200, oo, sidu boolisku u sheegay lagu meeleeyay hoolalka ciyaaraha ee magaalada Rødby,Denmark.

Denmark ayaa si xoog le u ilaalinaysa xuduudkooda si aaney qaxooti kale u soo dhaafin.

800 ka mid ah kumaankumka qaxooti ee ka soo socda waddanka Jarmalka, ayaa Iswiidhan ku soo socda , kuwan ayey dawladda Denmark iminka xuduudka ka xidhatay, una ogoleen in ay waddanka soo galaan ,hadii aaney farahooda dhiibin.

Booliska ayaa shalay joojiyay tareen ku soo socda Copenhagen,kana yimid magaalada Hamburg ee Jarmalka.

Isha/Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista