Nicolas Silva, Slim Matoussi och Adel Batsi är några av alla frivilliga som spenderat natten och morgonen på Malmö centralstation. Foto: Anton Kalm/Sveriges Radio
Nicolas Silva, Slim Matoussi och Adel Batsi är några av alla frivilliga som spenderat natten och morgonen på Malmö centralstation. Foto: Anton Kalm/Sveriges Radio

Qaxootiga soo gaadhay Malmö

Tiro ka badan 200 oo qaxoti ayaa xalay soo gaadhay barxada tareenka laga raaco ee magaalada malmö. Si loo soo dhaweeyo ayey dadyowga magaaladan degani caawiyeen qaxootigan.

Nicolas Silva,Slim Matoussi iyo Adel Batsi ayaa ka mid ah kuwan oo xalay habeenimaadii ilaa saaka taagerayey qaxootigan, halkan ayey dadkan  caawinayeen 9 sacadood si ay ugu turjumaan,tigidhada ay ku gaadhayeen magalooyinka kale ee waddanka ka caawinayeen, iyo gawaadhi ku qaadayeen. Inamadan ayaa tigidhada ku jaraya lacag laga soo ururiyay ururada caafimaadka.

-Ma daalani.Shaqadan aan hayo, in caruurtan iyo reerahan soo qaxay caawiyo wexey iga dhigtay qof firfircoon. Waa shaqo fican,ayu sheegay Nicolas Silva.

Nicolas Silva ayaa filaya in ay ugu yaraan 70 qoys oo wadamadoodi ka soo qaxay xalay seexdeen barxada tareenka laga raaco ee Malmö.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista