Delad bild: Angela Merkel, flyktingar samt Stefan Löfven. Foto: TT.
Foto: TT.

Löfven iyo Merkel oo dhaleeceyay waddamada EU

Kowdii duhurnimo ayey Angela Merkel,hogaamiyaha waddanka Jarmalka iyo ra´iisal wassaaraha Iswiidhan Stefan Löfven shir saxaafadeed ku qabteen magaalada Berlin ee Jarmalka.

Merkel ayaa sheegtay in Dublinförordningen,sharciga wadamadda EU u yaala  ee magangelyadoonka ku khasbaya in ay sharci ka raadsadan waddankii ugu hooreeyay, laga dhaafo dadkan.

Sharciga ayaan anfacin dadka faraha badan ee waddankoodi dagaalka uga soo qaxay,ayey sheegtay Merkel.

Dhanke kale Stefan Löfven ayaa shirkan ku muujiyay in la soo dejiyo sharciyo cusub oo waddamada EU ku khasbaya in ay dadka wadamadooda ka soo qaxa, la kala qeeybsado oo sharciga deganaashaha la siiyo.

-Waan ku faraxsanahay in Angela Merkel qorshahan igu raacsanahay.Waxaan ku talinayna in la soo dejiyo qeynuuno waddamada ku khasbaya in ay dadkan qaabilaan markey xaaladu adkaato, amba markey dad faro badani waddan gaar ah ka soo qaxaan, waa siday xaaladu maanta tahay ,ayuu sheegay Stefan Löfven, ra´iisalwasaaraha Iswiidhan.

Löfven ayaa isaguna halkan ka sheegay in u Merkel kala wada xajooday in nidaam qaxootigaan u surtogalinaya in waddan amaan ka jiro la dejiyo , inta ay sharciga deganaashaha sugayaan, iyo in qaxootigaan damaanad la siiyo in ay wadamadooda ku laaban karaan markuu dagaalku ka dhamaado.

Labadan, Angela Merkel iyo Stefan Löfven, ayaa isku raacay in ay waddamada EU arrintan si fiican u xallin, masuuliyadoodi na qaadin.

Isha/Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista