Polisen emblem på en arm på en polisman. Foto: Bertil Ericson/TT.
Foto: Bertil Ericson/TT.

15 ruux oo Malmö lugu qabtay

15 qof ayaa todobaadkan lagu qabtay magaalada Malmö,dadkan ayaa lugu tuhunsanyahay in ay soo tahribinayeen qaxootiga halkan ku sugan.

Booliska ayaa sheegay in ay laba mid noqon karto, in dadkani qaxootiga ku shaqeystaan oo lacag ka helaan, amba in ay hawshan bilaash u qabteen. Hasayeeshe labadan hab ayaa sharci darro ah.

Tahribayaashan ayaa ugu yaraan 25 qof waddanka soo galiyay,waxa intaan u raacsan dhowr caruur oo gawaadhi waddankan ay ku soo galiyeen. Kuwaan ayaa soo maray biriishka dulmara Öresund, ee Iswiidhan iyo Denmark u dhaxeeya.

Booliska ayaan warbixin ka dhibi karin intii qof ee jidkan soo maray.

Isha/TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista