Photo: Bertil Ericson / TT
Swedish Prime Minister Stefan Löfven at a press conference ahead of his meeting with the German Chancellor. Photo: Bertil Ericson / TT

Shirkii ka dhaxeeyay hogaamiyaha xisbiyada oo dib loo dhigay

Kulankii maanta dhaci laha ee ka dhaxeeyay hogaamiyaha xisbiyada barlaamanka KD,M,FP,C,MP,S iyo MP, ayaa dib loo dhigay, oo birri la qabaan doona.

Halkan ayaa laga shiri laha qaxootiga faraha badan ee lug beryahaan Yurub ku yimid, badaankood ayaa ku soo socda wadamadda Iswiidhan iyo Jarmalka oo ah labada waddan ee qaabilay qaxootiga ugu badan.

Helena Hellström Gefwert oo ra´iisal wassare ku xigeenka Åsa Romsoon(MP) u qaabilsan dhinaca saxaafada ayaa wakaalada wararka ee TT u sheegtay in sababta dib loo dhigay shirkan xidhiidh la leedahay in wakhtigii maanta la shiri lahaa cidhiidh noqday. Kulankan ayaa birri la qabaan doona ayey sheegtay, Helena Hellström Gefwert.

Hasayeeshe wakiilka xisbiyada Alliansen ayaa sheegay in shirkan markii hore lagu balamin in u maanta dhaci laha, in kasta oo ay madaxtooyada dawladda,regeringskansliet, shalay arbacadii hogaamiyaha xisbiyadan fariin u dirtay in saaka shirkan Rosenbad lugu qabaan laha.

Isha/SVT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".