Sakerna stockholmarna lämnar får inte plats inne i vänthallen på Stockholms Centralstation. Foto: Nadya Norton/SVeriges Radio
Sakerna stockholmarna lämnar får inte plats inne i vänthallen på Stockholms Centralstation. Foto: Nadya Norton/SVeriges Radio

Lacagta loo deeqo dadka dhibaateysan oo korodhay

Maadaama ay xaaladii aduunka beryahan soo adkaatay, ayey kordheen tiradii qof ee doonaya in ay lacag ugu deeqaan dadka wadamadoodi dagaal uga soo qaxay .

Lacagtan ayaa iminka gaadhay dhowr million oo ay dadyowga Iswiidhan u deeqday ururada caafimaadka.

In dadka ururadan lacagta u deeqa sannad walba soo badanayaan, ayaa laga arkaa tirokoob ay Svensk Insamlingskontroll soo bandhigtay,kan ayaa kantaroola ururada isticmaala kontooyinka ka bilaabma 90, kuwan oo ogolaasho Svensk Insamlingskontroll ka haysta in ay lacag u ururiyaan dadka dhibaateysan.

Boqolkii ba 75 lacagta ururadan loo deeqo ayaa gaadha dadkalacagtan logu talo galay.

Isha/TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista