Foto: Tahir Yousef/Sveriges Radio
Foto: Tahir Yousef/Sveriges Radio

Dhacdooyinka khatarta ah oo xafiiska socdaalka ku soo batay

Xafiiska socdaalka,Migrationsverket, ayaa sannadkii ugu dambeeyay dareensan in ay dhacdooyinkii khatarta ahaa ku soo kordheen, kuwan ayaa ahaan kara iskuday dil,burbur maskaxaaneed, amba in la isku hanjabo.

Sannadkan ayey 1000 dacwooyin soo gaadhay xafiiska socdaalka, tirodan ayaa labalaabantay marka loo barbardhigo sannadkii hore oo 500 oo dacwooyin la gudbiyay.

Hasayeeshe in ay tirodan korodhay ayaa xidhiidh la yeelaan karta in ay qaxootiga iska sejela xaafiskan soo korodhay 90.000 oo qof,halkey sannadkii hore ka aheyd 50.000 bishi januari.

Xafiiska socdaalka ayaa iminka baadhaya sababta ay dhacdoyinka khatarta ah ugu soo korodhay,ayuu sheegay Fernando Alvarez oo ah agaasimaha laanta shaqada ee heeyada socdaalka.

-Wa in aan shaqaalaha tababarno si ay bartaan si arrimahan lola dhaqmo. Waxa dhici karta in aan waardiyaasha soo kordhino,ayuu sheegay Fernando Alvarez oo ah agaasimaha laanta shaqada ee heeyada socdaalka.

Isha/Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista