wêne: HENRIK MONTGOMERY / TT
wêne: HENRIK MONTGOMERY / TT

Gabadh ku dhaawacmatay jarajarooyinka wareega

Gabadh ayaa saaka dhaawac ku gaadhay janjarada wareegta ee loo raaco tareenka dhulka hoostisa mara ee Tunnelbana.

Janjarada ay gabdhu ku taagneyd ayaa la go´day dabeetana dhaawac u geysatay,gabdhan ayaa islamaarkiiba ambaalaas loogu wacay oo dhakhtarka lola cararay.

Shilkan ayaa ka dhacay maxaadada Universitet i Stockholm oo ay SL iminka jaranjarooyinkii ka wada xidhay,wa sidu wargeysku Aftonbladet bogeeda ku soo qoreen.

Shilkan ayaan aheyn kii ugu horeeyey ee ka dhaca jaranjarooyinka wareega, bishii februari isla sannadkan ayey islaan 70 jir ah ku dhaawacmatay jaranjarooyinkan.

 

Isha/Aftonbladet

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista