Stefan Löfven. Foto: Bertil Ericson/TT.

Löfven oo la shiraya hogaamiyaha xisbiyada

In ay wadamadda EU masuliyaadoodi qaadin dhinaca qaxootiga waddankooda beryahaan qa soo qaxay ayaa ah arrin u raíisal wassaraha Stefan Löfven caawa kala hadlii doono hogaamiyaha xisbiyada kale, oo aaney Sverigedemokraterna ku jirin.

Dawladda ayaa iyaduna maanta shaacinaysa wadoshaqeyn ay la sameeynayaan garabyada kala duwan ee suuqa shaqada si loogu fududeeyo dadka tusaalahan Suuriya ka yimid ee waxbarashada wadankooda ku soo qatay, kuwan oo loo gaabinayo waktiga ay suuqa shaqada ku soo geli lahayeen.

-Tan ayaa garabyada kala duwan ee suuqa shaqada u surtogalinaysa in ay ka faideys-taan waxbarashada ay dadkani wadankooda kala yimaadeen, dhinaca kale na ka caawinaya isdhexgalka bulshadda, ayuu sheegay Stefan Löfven,ra´iisal wassaraha Iswiidhan.

Maalgelintan oo lagu magacaabay ”Sverige Tillsammans” ayaa maanta la soo bandhigi doona.

Isha/Ekot,Regeringen

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista