Fullbildad vägglus. Foto: David Mora/Anticimex.
Fullbildad vägglus. Foto: David Mora/Anticimex.

Cayayaanka kutaanta oo ku soo badatay guryaha Sweden

2:04 min

Aqallada Sweden ey ku dhashaan cayayaanka kutaanta ayaa baryahan aad kor ugu kacay. Sidoo kale cayayaanka kutaanta ayaa faro ba'an ku heya gaadiidka dadweynaha, sida basaska iyo tareenada, waxaan aad u batay baahida loo qabo ka nadiifinta kutaanta.

Sannadkii hore gudahiisa ayey shirkdaha waaweyn ee nadiifya cayayaanka guryaha ku dhasha waxay fuliyeen ka nadiifin kutaanta tiro kor u dhaafaysa 25 000 oo goor. Sida laga soo xigtay shirkadaha cayayaanka nadiifisa ee Nomor tan iyo sannadkii 2010kii aad ayey kor ugu kacday inta goor oo guryah alaga nadiifiyey kutaanta.

Guryaha ay kutaanta ku dhalato ayaa waxaa ugu badan guryaha ayddeyda iyo guryaha ay ku badan yahiin qoysaska ku nool. Balse waxaa aad hadda u sii badanaya meelaha kale ee ay kutaanta ku sii faafeyso.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista