Madaxii hore dawladda Sweden oo dhaleeceeyn loo soo jeediyey

Madaxii hore ee dawladda Sweden Fredrik Reinfeldt, isla-markaana ahaa hoggaamiyaha xisbiga Moderaterna (M) ayaa qaata dhammaan gunnadii uu xaqa u lahaa oo gaarsii-san 156.000 bishiiba, halka uu dhanka kale ay shirkad uu leeyahay uu ka macaashay dhaqaale gaarsii-san malyuunaad, sida ku cad baaritaan ay amuurtaa ku sameeysay idaacadda la iska daawado ee SVT.

Bartamihii bishii jannaayo ee sannadkan ayuu Reinfeldt furtay shirkad uu ugu magac-daray Fredrik Reinfeldt AB. Iyadoona uu shaashadda shirkadda ku daabacay inuu diyaar u yahay siduu u fulin lahaa adeegyo ey ka mid yihiin la taliye-nimo iyo casharro jeedin.

Isha/ Svt