Foto: TT.
Sawirle: TT.

Tirada dalxiiseyaasha oo aad iyo aad kor ugu kacdey

Hoos u dhaca ku yimid qiimaha lacagta iswiidhishka ee koronka ayaa sabab u noqday iney aad ugu soo bataan dhaqaalena soo geliyaan waddanka dal-xiiseyaasha dalka socdaallada ku yimaada ee xilligii kuleeylaha ee sannadkan.

Waxaa kor u kacday 9 boqolkiiba dadyoowga dalxiiska u yimid ee dalka, sida uu caddeeyay ururka mulkiileyaasha huteellada ee lagu magacaabo Visita.

Dadyoowga dalxiiska dalkan ugu yimaada ee ugu badan ayaa ka soo jeeda waddammada Noorway iyo Jarmalka, halka ey dhanka kale hoos u dhaceen 34% dalxiiseyaash ka soo socdaali jirey waddanka Ruushka, maadaama uu hoos u dhacay qiimaha lacagta Rubulka ee dalkaasi laga isticmaalo.

Dhanka kale waxaa hoos u dhacay dalxiiseyaasha dalka gudihiisa isaga dhoofi jirey boqolkiiba hal. Middaasina oo la maleeyneyo iney ugu wacnayd xilligii kuleeylaha oo aanay hawadu sidaa u wanaag-saneyn.

Isha/ Visita, SCB/Tillväxtverket

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista