Lenita Granlund om Kommunals krav i avtalsrörelsen.
Lenita Granlund. Sawirle: Jessica Gow/TT

Kommunal: Waa in kor loo qaado mushaarooyinka

Ururka daladda shaqaalaha ee magaciisa loo soo gaabiyo LO waa inuu xoogga saaraa sidii uu ku dhimi lahaa farqiga u dhexeeya mushaarooyinka shaqaalaha caafimaadka iyo kuwa warshadaha ka howl-gala.

Fikirkaa ayaa ah mid shuruud looga dhigay sidii uu ururka shaqaalaha degmooyinku qayb uga noqon lahaa wada-hadalka mushaarooyinka ee urur-dalladeedka LO iyo ururka shaqa-bixiyeyaasha, sida ay maqaal ay amuurtaa kaga hadlaysay ku daabacday war-geyska maalinlaha ee Dagens Nyheter hoggaamiyaha ururka shaqaalaha ee degmooyinka Annelie Nordström iyo Lenita Granlund.

Shaqaalaha ka howl-gala goobaha dar-yeelaka caafimaad ee ka hooseeya kalkaaliyeyaasha caafimaad oo ey baahi ballaarani ka jirto ayey baahi intaa ka ballaarani ka sii dhalan doontaa mustaqbalka, kolka ey qaar badan ee xirfaddaa ku howl-galaayi gaaraan da’da howl-gabka. Sida ay qortay hayadda tira-koobka ee ee magaceeda loo soo gaabiyo SCB in la saadaalineyo sannadka 2035 iney jiri doonto baahi gaarsiisan 160 000 ee shaqaalahaasi ah. Balse haddii loo baahan yahay in dhallin-yartu xirfaddaa doorato in aad kor loogu qaado mushaarooyinka iyo in la hagaajiyo tayada shaqada, sida uu ururku qoray.

Kalkaaliyeyaasha, kalkaaliyaha caafimaad ayaa bishii mushaar u qaata isku celcelin 23.200, waa kolka ey hayaan shaqa buuxda. Waana mushaaro ka 2.800 oo koron kolka loo barbar-dhigo shaqaalaha ka howl-gala warshadaha, inkastoo ey muddo isku mid ah xirfad soo dhigtaan.

Isha/ Svt, sr

                                                                                              kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista