Foto: Nora Lorek / TT
Sawirle: Nora Lorek /TT.

Isticmaalka kombiyuutarrada oo hoos u dhiga natiijada tacliinta

Ardeyda iswiidhishka oo aad u isticmaasha kombiyuutarrada xiisadaha xisaabta ayaa kaga liita tacliinta qaasatan maadooyinka xisaabta iyo akhriska marka loo barbar-dhigo waddammada aan sidaa u isticmaalin kombiyuutarrada, sida ku cad war-bixin ka soo baxday ururka OECD laantiisa tacliinta ee Pisa.

– Ardeyda aadka u isticmaasha kombiyuutarrada ayey natiijadoodu ka liidataa, qaasatan marka laga hadleyo maadada xisaabta oo muhiimad ballaaran ku fadhida, sida uu sheegay Anders Fredriksson, ahna ku simaha laanta qiimeeynta ee hayadda maamulka iskuullada.

Ardeyda iswiidhishka ee kombiyuutarrada u isticmaasha howlaha maaddada xisaabta ayey natiijadoodu kaga liidatay, sida baaritaanka Pisa ku cad, marka loo barbar-dhigo ardeyda waddammada kaalinta sare ka galey baaritaaanka ee aan sidaa u isticmaalin kombiyuutarrada, sida waddammada Honkong/shiinaha, Taaywaaan iyo waddanka Koonfurta kuuriya.

Baaritaanka ururka OECD ayaa lagu sheegay in ardeyda dalkan Sweden yihiin kuwa ugu isticmaalka badan aaladda kombiyuutarrada ee waddammada baaritaanka lagu sameeyey, middaasina oo macnaheedu tahay iney ugu yaraan isticmaalaan kombiyuutarka lix saacadood maalintii ee xilliyada firaaqada ey yihiin.

Isha/ Ekot

                                                                                                    kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista