Flyktingar som går längs järnvägsspår. EU-kommissionären Dimitris Avramopoulos. Foto: TT.
Sawirle: Elivs Barukcic/TT. Foto: Virginia Mayo/TT.

Kulankii EU ee looga xaajoonayey qaxootiga oo lagu guuldareeeystey

Inkasta oo ey dood kulul dhex-martay ayaan dhanka kale wax natiijo ah laga gaarin in si siman oo khasab ah loo qaybsado qaxootiga soo gaara EU.

Hase yeeshee wasiirradu ey heshiis ku gaareen in la qaabilo 160 000 oo qaxooti ah, hase yeeshee aan lagu heshiin habkii loo qeyb-san lahaa.

EU-kommissionären Dimitris Avramopoulos var besviken efter mötet för nu väntar ett nytt möte där frågan om bindande flyktingkvoter kommer upp igen.

- Adduunyadu indhaha ayay nagu haysaa. Waxaa la gaaray xilligii ay cid waliba masuuliyaddeeda qaadi lahayd, sida uu sheegay Dimitris Avramopoulos, kana mid mid ah hoggaanka madaxda ururka Midowga Yurub, kadib lix saacadood oo ey dood kulul yeesheen wasiirrada socdaalka iyo shuruucda ee waddammada ku xubnaha ka ah EU.

- Heshiiskii aannu dooneyney lama gaarin, sida uu sheegay Avamopoulos.

Isha/ Ekot

                                                                                                       kenadid.mohamed@sr.se

      

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista