Taageerada SD oo weli kor u socota

Saadaalin ay shirkadda Novus u sameeysay idaacadda la iska daawado ee TV4 ayaa ka soo baxday inay weli kor u sii kacayso taageerada xisbiga Sverigedemokraterna. Xisbiga SD ayay taageeradiisu gaartay rikoor cusub 20,8 boqolkiiba, waana tiro kor u kacday 1,4 boqolkii, kolka loo barbar-dhigo saadaalintii la sameeyey bishii agoosto ee isla sannadkan.

Xisbiga Socialdemokraterna ayay sidoo kae taageeradiisu kor u kacday 1,4 boqolkiiba, middaasina oo gaartay 26,5%. Haase yeeshee aanay saadaalimmahaasi ahayn kuwo huban.

Saadaalintan ayaa ah middii ugu horreeysay ee la sameeyo wixii ka dambeeyay baahintii sawir maydkii saddex-jirkii Alan Kurdi iyo dhacdooyinkii qaxootiga ku soo qulqulaya EU.

Isha/ Ekot

                                                                                                   kenadid.mohamed@sr.se