En tränad kaja flyger i vindtunnel. Foto: Aron Hejdström, Lunds universitet
Shibir tababaran oo tunnel ku duulaysa. Cilmi-baaris. . Sawirle: Aron Hejdström, Jaamicadda Lund

Lund oo noqotay jaamicadda loogu xiisaha badan yahay dalka

Laba ka mid ah jaamicadaha ku yaala dalkan Sweden Lund kaalinta 70 iyo KTH kaalinta 92 ayaa qayb ka noqdey liiska boqolka jaamicadood ee ugu wanaag-san caalamka oo ay soo saarto shirkadda saadaalinta ee magaceeda loo soo gaabiyo QS.

Jaamicadda KTH ayaa booskii ka cadaadisay jaamicadda Uppsala oo iminka ku sugan kaalinta (102). Halka ay jaamicadda Chalmers ee magaalada Göteborg, ka soo kacday kaalinta 175 oo ay iminka ku sugan tahay kaalinta 132.

Kaalinta koowaad iyo labaad ayey sannadka ku jiraan jaamicadda MIT ee dalka Mareeykanka iyo jaamicadda Harvard. Halka ey jaamicadaha Cambridge ee ingiriiska iyo Stanford ee dalka Mareeykanka qaybsadeen kaalinta saddexaad.

Liiskan jaamicadaha iyo sida ey jaamicaduhu u kala wanaag-san yihiin ayey qayb ka yihiin 800 oo jaamacadood, kuwaasina oo lagu xushey shuruudaha ah dhaqaalaha baaritaannada cilmiyeed, go'aannada shaqa-bixiyeyaasha, tirada macallimiinta ka howl-gasha jaamicadda iyo ardeyda ajaaniibta ee jaamicadda wax ka dhigata.                     

Källa/ TT

                                                                                                      kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista