Asylboendet Möllstorps camping. Foto: David Baujard, Sveriges Radio.
Sawirle: David Baujard, Sveriges Radio.

Baahi ka aloosan hooy la'aan qaxootiga dalka ku soo qulquleya

Saraakiisha hayadda socdaalka ayey warar ka soo baxaya sheegeyaan iney ku sii adkaanayso sidii ey hooy ugu heli lahaayeen tirada faraha badan ee qaxootiga dalka ku soo qulquleya iminkadan.

Goobo wey jiraan hase yeeshee waxaa caqabad ku ah sidii loo heli lahaa eerka qandaraasyada ee furan.

Qodob ka mid ah xeerka qandaraasyada ee furan ayaa ogolaaneya in haddii cidi wayso qandaraas ay xaq u leedahay inay ka dacwooto, isla-markaaana sidaa lagu joojin karo howlihii hooy raadinta eee soo-galootiga, sida uu sheegay Magnus Gustavsson, ahna madax waaxeed ka howl-gala hayadda socdaalka.

- Xaaladda iminka lagu jiro waxaannu heynaa 2 000 illaa iyo 3 000 oo sarriirood oo aannu soo indha-indheeyney, hase yeeshee aaney meeleeyntu suurtagal ahayn, sida uu sheegay Magnus Gustavsson.

Hayadda socdaalka ayaa u baahan goobo intaa ka badan ee qaxootiga la dejiyo, gaar ahaan waxay baahida ugu ballaarani ka jirtaa goobaha ugu horreeya ee soo-galootigu ka soo degaan ee magaalooyinka Malmö iyo göteborg, hase yeeshee ey goobahaasi ka jiraan diyaar-garow ballaaran.

Isha/ Ekot

                                                                                                  kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista