مارگوت والستروم، وزیرامورخارجه سوئد به اظهارات تهدیدآمیز مقامات روسیه واکنش شدید نشان داد Foto. TT
Sawirle. TT

Wallström: Siyaasaddaydii Kariim wax iska bedelin

Habka uu madaxa dawladda Stefan Löfven uga hadlay dhacdadii uu dalka Ruushku kula wareegay carriga Kariim oo horay uga tirsanaan jiray dalka Ukraa’iin ayaa sannadka ka kululaa sannadkii ina dhaafay.

Qudbaddii madaxa dawladda ee furitaankii howl-sannadeedka sannadkii tagay ayaa sida u qornayd: "Qabsashada ay dawladda Ruushku kula wareegtay Kariim ayaa ah mid meel kaga dhaceeysa xuquuqda caalamiga iyo qalqal-gelinta dalka Ukraa’iin. Waana tallaabo loo baahan yahay in dib looga noqdo "

Hase yeeshee ay khudbadda madaxa dawladda sannadka ee ku wajahan Ukraa’iin tahay mid ka adag: "Gardarrada Ruushka ee lagu khalkhal-gelinayo ammaanka Ukraa’iin ayaa ah howlaha ugu halisan wixii ka dambeeyay dagaalkii labaad ee adduunyada ee hor-yaala guddiga talada ammaanka ee Yurub sidii uu wax uga qaban lahaa".

Margot Wallström, wasiirka arrimmaha dibadda Sweden.

 - "waxaan weli ku howlannahey taageerada aan Ukraa’iin u fidinno. In dalka Ukraa’iin uu isagu xaq u leeyahay inuu doorto dhabbada uu qaadi lahaa. Waxaan rajeeyneynaa dhabbada Yurub. Waxaan taageer-sannahey go’aankii cunaqabteeynta ee EU wada-jirka u gaartay. Mana ahan go'aan ’annu di buga noqoney ama aannu wax ka bedelney".

Isha/ Radio Sweden

                                                                                                         kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista