Strängnäs simhall tidig morgon Foto: Josefin Lundin/Sveriges RadioSträngnäs simhall tidig morgon Foto: Josefin Lundin/Sveriges RadioSträngnäs simhall tidig morgon Foto: Josefin Lundin/Sveriges Radio
Badhuset i Syrien har bytts ut mot simbassängen i Strängnäs för syskonen Arouk. Foto: Josefin Lundin/Sveriges Radio

Kacdoon guul laga gaarey

1:06 min

Kadib dhowr jeer oo ay haweenay maqashay hablo da'yar oo ka doodaya miisaankooda, iskuna cabbiraya miisaanka yaala goobaha xiran ee lagu dabaasho ayaa dood culus ka dhalisay amuurtaa, iyadoona sababtay inuu bilowday kacdoon loogu magac-darey "Qalabka miisaanka iminka ha laga saaro goobaha xiran ee dabaasha".

Qoraal amuurtaa ku saabsan oo la dhigay shaashadda internetka, ayaa la isu sii gudbiyey 21 000 oo jeer, halka uu urur-qarameedka dadyoowga raashinkoodu aannu dheeli tirneyn ay taageero u fidiyeen kacdoonkaa.

- Iima muuqato sabab caqli gal ah ee qalbkaasi miisaanku goobaha lagu dabaasho u yaalo, sida ay sheegtay Hanna Kihlander, ahna wakiilka saxaafadda ee ururka oo u warrameeysay laanta idaacadda ee P4 Stockholm.

Halka uu iminka hoggaanka magaalada Stockholm go'aansaday in dhammaan la tuuro aaladaha miisaanka ee yaala goobaha xiran ee lagu dabaasho.

Isha/ SR P4, SvT

                                                                                                   kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista