جرعة من مصل غاردازيل Gardasil، المستخدم للوقاية من سرطان عنق الرحم
Talaalka Gardasil ee ka hortagga kansarka dhuunta ilmo-galeenka

Dawada Gardasil oo tuhun laga qabo

Wakaaladda dawooyinka ayey soo gaareen saddex dacwadood looga tuhun-san yahay dhibaatooyin ka soo gaarey tallaalka hpv-vaccinet Gardasil, middaasina oo looga hor-tago cudurka kaankarada ee ku dhaca dhuunta ilmo-galeenka.

Saddex hablood ayaa looga shaki qabaa inuu ku dhacay cudur halis ah oo aan sidaa loo aqoon laguna magacaabo POTS, kaasina oo ay astaammo u yihiin wadnaha oo aad u garaaca kolka la taagan yahay, wareer iyo suuxdimo.

Wakaaladda dawooyinka ee Yurub ayaa iminka baaritaan ku haysa sidii wax looga ogaan lahaa xiriirka ka dhexeeya cudurka POTS iyo daawada tallaalka ee ka hor-tagga kansarka ku dhaca dhuunta ilmo-galeenka.

Tallaalka-Hpv ayaa la qiyaasaa inuu a hor-tag cudurka u sameeyo qiyaastii 100 ruux dalkan Sweden oo haddii kale u dhiman lahaa cudurka kaankarada ee dhuunta ilma-galeenka

Isha/ Ekot

                                                                                                           kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista