Natural History Museum Foto: Magda_Kulak
Natural History Museum Sawirle: Magda_Kulak

Madxafyada qaarkood oo la soo jeediyey in bilaash lagu galo

Dawladda ayaa u qondeeysay miisaaniyad gaarsii-san 80 malyan oo koron iyo sidii madxafyada qaarkood looga dhigi lahaa kuwo lacag la’aan lagu galo.

Qorshahan ayey heshiis ku yihiin xisbiyada awoodda ku bahoobey iyo xisbiga Bidixda – Vänsterpartiet, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda dhaqanka.

Qorshe midkaa la mid ah ayay hir-gelisay 2005 dawladdii Socialdemoqoraadiga ee waagaasi, hase yeeshee dib loo joojiyey kolkii ey xisbiyada garabka midig doorashadii ku guuleeysteen sannadkii xigay ee 2006.

Madxafyada lacag la’aanta lagu geli doono ee qorshaha dawladda ku qoran ayey ka mid yihiin: Armémuseum, Etnografiska museet, Hallwylska museet, Historiska museet, Kungliga myntkabinettet, Livrustkammaren, Flygvapenmuseum ee magaalada Linköping, Marinmuseum ee magaalada Karlskrona, Medelhavsmuseet, Moderna museet ee magaalada Stockholm iyo Malmö, Nationalmuseum, Naturhistoriska riksmuseet, Sjöhistoriska museet, Skoklosters slott, Statens centrum för arkitektur och design, Världskulturmuseet ee magaalada Göteborg, Östasiatiska museet.

Isha/ TT

                                                                                                          kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista