- De flesta som köper en pistol gör det för att ha den för självförsvar, säger vapenhandlaren Payne, som inte vill uppge sitt efternamn. Foto: Henrika Åkerman/Sveroges Radio.
Bastoolado miis saaran. Sawirle: Henrika Åkerman/Sveroges Radio.

Ciidanka ammaanka Malmö oo hub gacanta ku dhigay iyo shakhsiyaad

0:54 min

Ciidanka ammaanka ee magaalada Malmö ayaa shalayto gacanta ku dhigay kooxo lagu tuhun-san yahay dembiyada la qorsheeyo. Laba ruux ayaa gacanta lagu dhigey, iyadoona lagu tuhubn-san yahay hub sharci-darro ah, sida ey saxaafado badani qoreen.

- Waxaannu gacanta ku dhigney dadyoow lagu tuhun-san yahay falal-dembiyeed la xiriira dembiyada la qorsheeyo, sida ay sheegtay Petra Stenkula, ahna madaxa laanta baarista ee gobollada koonfureed oo la hadashay laanta idaacadda ee P4 Malmöhus.                                

Sarkaaladda ayaa shaashadda Twitter ku qortay ”in dembigu yahay mid salka ku haya hub sharci-darro ah oo culus ". Halka dhanka kale boliisku ka gaabsadeen inay faahfaahin dheeri ah ka bixiyaan howlahooda.  

Isha/ P4 Malmöhus

                                                                                                         kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista