Matilda Brinck-Larsen som är gruppchef på asylboendet för ensamkommande ungdomar i Kärra i Göteborg. Foto: Carina Holmberg/Sveriges Radio
Matilda Brinck-Larsen ahna madaxa xarun lagu hayo dhallaanka keli-nimada dalka ku yimaada ee Kärra, magaalada Göteborg. Sawirle: Carina Holmberg/Sveriges Radio

Dhallaan tiro badan ayaa la saadaalineyaa iney dalka soo gaaraan

1:42 min

Hayadda socdaalku waxay saadaalinaysaa in tiro aad uga fara badan intii la filayey oo ah dhallaanka keli-nimada dalka ku yimaada iney sannadka dalka soo gaari doonaan.

Saadaalintii ugu dambeeysay ee hayaddu soo saarto ayay ku caddahay in la fileyo 12 000 ee dhallaan keli-nimo ku socda iney dalka soo gaaraan sannadka. Waana tiro 5 000 ka badan sannadkii ina dhaafay.

Masuuliyad ballaaran ayey saareyaan maamullada degmooyinku iyo sidii ey ku meeleeyn lahaayeen dhallaanka keli-nimada ku yimaada dalka.

Matilda Brinck-Larsen oo ka howl-gasha hooy ka mid ah, hooyada dhallaanka lagu xannaaneeyo ee magaalada Göteborg ayaa sawirkaa iyaduna xaqiijisay. Maamulka Göteborg ayaa saadaalinaya in inta sannadka ka dhiman loo baahan doono in la meeleeyo 300 oo hor leh. Halka ay Matilda Brinck-Larsen sheegtay inay ka welwel-san tahay dhallaan dhabbada ku soo jira. Iyadoona sheegtay in dhowr maalmood oo keliya la siiyey sidii ey goob cusub ee hooy u furi lahaayeen.
- Dareenkaygu wuxuu ii sheegayaa in dhallaan socdaal ku soo jira ey ii iman doonaan, gacanna kama siin karo sidii aan ku taakuleeyn lahaa. Maxaa loogu sahli waayey safarkooda. Waa mid welwel igu haysa, sida ay sheegtay Matilda Brinck- Larsen.

Isha/ Ekot

                                                                                                           kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista