Arrivas bussgarage
Arrivas bussgarage, arkivbild. Foto: Bertil Ericson/TT

Xukun: waa takoor in laga joojiyo shaqada bas wadida qof 70 buuxiyey

Waxay aheyd takoorid cimri markii laga mamnuucay saddex howl-wadeeno ah oo ku shaqeyn jiray bas iyo taxi wadid kadib markay buuxiyeen da’da todobaatan sanno, sidaas waxaa maanta xukun ku soo saaray maxkamadda shaqada.

Shaqo bixiyaha ayaa ku dooday in dadkan shaqada laga joojiyey sababo la xiriira amniga wadooyinka maadaama ay isdhinto awooda ficil celin ruuxa markuu da’ 70 sanno noqdo, sidaas daraadeed aysan aheyn takoorid cimri in shaqada laga joojiyo dadka da’dooda gaartay todobaatan sanno.

Laakiin Maxkamadda Shaqada Arbetsdomstolen ayaa xukmisay in wadeyaasha la takooray aysana jirin wax cadeynaya fiyoobidooda in ay hoos u dhacday markii ay todobaatan sanno u buuxsantay.

Ola Sandh ayaa ka mid ah bas wadeyaasha lagu qasbay in ay shaqada joojiyaan markii ay u buuxsantay 70 sanno.

– Waa horumar weyn, ma ii aha keligey horumar balse waa horumar u dan ah saxiibadayda shaqo ee hadda da’dooda tahay 68 illa 69 sanno jiro, kuwaas oo shaqadooda sii wadan kara markay 70 sanno u buusanto.

källa: Ekot

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista