Sawirle: Johanna Sjövall/Sveriges Radio

Dembiyada ey galaan dhallaanka jidadka ku nool oo kordhey

Dhallaanka waddooyinka ku nool ee ka soo socdaaley waddammada fakhriga ayaa inta badan lagu tuhmaa falal-dembiyeedyo.

War-geeyska DN oo qayb ka helay war-bixin uu ciidanka ammaanku sameeyay oo dhallaankaa la xiriira ayaa lagu caddeeyey iney aad kor ugu kaceen falal-dembiyeedyada xatooyada, muqaadaraadka iyo dilka ee laga geeysto nawaaxiga gobolka Stockholm, kuwaasina oo ey ka dambeeyaan dhallaanka waddooyinka ku nool. Sawir midkaa la mid ah ayaa laga soo sheegeyaa magaalada Göteborg. Dembiyo soo noqnoqda oo dhallaanku ku kacaan inkasta oo hayadda bulshadu marar badan ku guuleeystaan sidii ey hooy ugu meeleeyn lahaayeen dhallaanka, goobaha lagu magacaabo HVB-hem. Halka ugu dambeeyntana lagu meeleeyo hooyada xiran ee dhallin-yarada waxa lagu magacaabo - slutna ungdomshem.

Hayadda qaran ee hoggaaminta hayadaha dawladda ayaa dawladda ka codsatay miisaaniyad dheeri ah oo gaarsii-san 139 malyan oo koron, iyo sidii loogu maal-gelin lahaa tirada kor u sii kaceeysa ee sida khasabka ah loogu meeleeyo dhallaanka hooyada xiran. Intii u dhexeeysay koowdii jannaayo illaa 31-kii agoosto ee sannadka ayaa dhallaan gaarsiisan 139 oo keli-nimo dalka ku yimid habkaa loo meeleeyay. Waana tiro u dhiganta dhammaan sannadkii hore tagay. Halka badankood 58% ey yihiin wiilal ka soo qaxay dalka Marooko, kuna noolaa waddooyinka waddammada Yurub. Hayadda ayaa sidoo kale soo ban-dhigi doonta 22-ka bishan sebteembar qorshe lagu dhimeyo in dhallaankaasi ey dembiyada ku noqnoqdaan.

Isha/ DN

                                                                                                      kenadid.mohamed@gu.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista