Johan Dennelind, vd, Telia Sonera presenterade och Telia Soneras styrelseordförande Marie Ehrling. Foto Leif R Jansson / TT och Anders Wiklund/TT.
Johan Dennelind, agaasimaha Telia Sonera, Marie Ehrling, madaxa hoggaanka guud Telia Sonera oo shir jaraa'id qabtay. Sawirle: Leif R Jansson / TT iyo Anders Wiklund/TT.

Shirkadda Telia Sonera oo dhimi doonta hoowlaheeda Aasiya

Shirkadda is-gaarsiinta ee Telia Sonera ayaa ku talo jirta sidii ey uga soo qalab guran lahayd waddammo ku yaala qaaradda Aasiya, sida ay shirkaddu saaka ku sheegtay qoraal saxaafadeed.

Telia Sonera ayaa dhimi doonta howlaha ey ka hayso waddammada Nebaal, Kasakhistaan, Usbekistaan, Azerbajdzjan, Joorjiya, Laldaafiya iyo Tadjikistaan. Iyadoona ey bilihii ugu horeeyey ee sannadka ay maalgelinta shirkaddu 21% kaga howl-geli jirtay waddammadaa.

Waxay shirkaddu iminka xoogga isugu geeyn doontaa howlaha ey ka hayso Yurub iyo dalka Sweden.

Isha/ Sveriges Radio

                                                                                                          kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista