SD SDU
Hoggaamiyaha SD Jimmie Åkesson iyo hoggaamiyaha SDU Jessica Ohlson. Sawirle: TT Uppsala kommun . Sawir macmal ah: Sveriges Radio.

SD oo cowda u jaray ururkiisii dhallinyarada ee SDU

Koowda bisha oktoobar ee foodda innagu soo haysa ayuu xisbiga Sverigedemokraterna soo ban-dhigi doonaa ururkiisa dhallin-yarada ee cusub, middaasina oo ka dambeeysay kulan uu yeeshay hoggaanka xisbiga SD. Magacii xisbiga ee SDU ayaa halkiisii ka sii jiri doona.

Dhammaadkii toddobaadkii ina dhaafay ayuu hoggaanka xisbiga SD ku dhawaaqay inuu xiriirkii u jaray ururkiisii dhallin-yarada SDU, kadib iyada oo la isku af-garan waayey hoggaankii ururka dhallinyarada. Is-qabqabsiga hoggaanka ururka SD iyo ururkiisa dhallin-yarada ayaa ka dhalatay fikirrada siyaasadeed oo y kala qabaan iyo in ururka dhallin-yada ee SDU uu qabo fikir ka xag-jir-san iyo eedeeymo la xiriira inuu xiriir la leeyahay ururro xag-jir, halka xisbigu isku magacaabo mid asal raac ah waxa lagu magacaabo socialkonservativ.

Källa: TT

                                                                                                        kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista