Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Migrationsverkets generaldirektör Anders Danielsson. Foto: Leif R Jansson /TT.
Agaasimaha hayadda socdaalka Anders Danielsson. Sawirle: Leif R Jansson /TT.

Qaxootiga dalka soo gelaya oo aad kor ugu kacay maalmihii dambe

Maalmihii ugu dambeeyey ayey dalka Sweden soo gaaraan qaxooti gaarsii-san 1 000, tiradaasina oo aad uga badan middii horay heyadda socdaalku u saadaalinaysay ee ahaa 3 000-4 000 oo qaxooti ah, isla-markaana hoos ula dhici doonto kolka xilligu is bedelo.

Balse uu madaxa hayadda socdaalka Anders Danielsson sheegay mar uu u warramay laanta idaacadda ee Studio Ett inuu doonayo inuu ka war-sugo jawaab uu ka bixiyo middaa iyo inay noqon doonto xaalad sidaa ku sii socon doonta iyo in kale:
- Waa in laga taxadaro oo aan saadaalin degdeg ah laga gaarin, waa saddex maalmood waxa aannu ka hadleyno. Tiradu aad ayay maanta u fara badan tahay, sidaan horay u sheegayba 1 000 qaxooti ah ayaa dalka soo gala maalintii. Haddii tiradaa lagu sii socdo waa 7 000 toddobaadkii, waxaa markaa dhici doonta in dhaqaaluhu nagu fillaan waayo sidii aan howlaha naloo xil-saarey aannu u gudan lahayn, sida uu sheegay.

Källa: Ekot

                                                                                                         kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".