Fotbollslandslaget. Foto: Janerik Henriksson/TT.
Sawirle: Janerik Henriksson/TT.

Xulka qaranka Sweden oo ey kulmi doonaan dhiggooda Maldaafiya

Gelinka dambe ee maanta ayey ciyaar isku hardiyi doonaan xulka qaranka hablaha kubbada cagta ee waddammada Sweden iyo Maldaafiya, ciyaartaasina oo qayb ka ah is-reereebka fiinaalka ee xulalka qaranka waddammada.

Waa ciyaartii ugu horreeysay ee xulka qaranka hablaha Sweden u istaagaan, wixii ka dambeeyay guudl-darradii kala soo hoyatay tartankii ciyaaraha adduunka ee kuleeylihii ina dhaafay.

Waa markii ugu horreeysay ee labadan kooxood ay ciyaar ku wada kulmaan iyadoona aanu xulka qaranka Maldaafiya abid u soo bixin tartammo ciyaareed ee caalami ah, waxayna kaga sugan yihiin liiska waddammada kaalinta 102. Halka xulka hablaha Sweden kaga sugan yihiin liiska kaalinta 7-aad.

Ciyaaraha fiinaalka hablaha ee waddammada Yurub ayaa lagu qaban doonaa dalka Holan inta u dhexeeysa 16 luulyo illaa iyo 6 agoosto ee sannadka 2017.

Isha/ Radiosporten

                                                                                                         kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista