Christer Furustedt ansvarar för tillsynen av storbanker på Finansinspektionen, FI, som  i huvudsak bankernas risktagande i affärer. Vilka tjänster bankerna vill erbjuda är däremot upp till dem själva. Foto: Christian Höijer/Sveriges Radio
Ulla Andersson afhayeenka arrimaha dhaqaalaha ee xisbiga Vänsterpartiet. Foto: Christian Höijer/Sveriges Radio

Caydha oo qoysaska danyarta ah loo kordhinayo

Xisbiga Vänsterpartiet iyo xukumadda Sweden ayaa ku heshiiyey in heerka qaran ee lacagta caydha ee lagu masruufo qoysaska danyarta ah ee heysta caruurta ay da’dooda u dhaxeyso 7 illa 20 jir lagu daro 250 karoon bishii, laga bilaabo sannadka 2016.

Qoyska heysta caruurta da’dooda tahay waxii ka hooseeya 7 sanno jir waxaa loogu daraya masruufka 100 karoon bishii, sidaas waxaa weriyey wargeyska Expressen.

– Annag waxaa muhim noo ah in aan hagaajino sharuudaha nolaleed ee ay ku sugan yahiin qoysaska caruur leyda ah ee danyarta ah. In loo kordhiyo masruufka waa arrin wanaagsan oo toos u gaaraysa reeraha danyarta ah, ayey tiri afhayeenka arrimaha dhaqaalaha ee xisbiga Vänsterpartiet Ulla Andersson.

Dib habeyntan ayaa dabo socota dib u habeyn ballaaran oo lagu hayo hanaanka masruuf ee reeraha laga taageero cuntada, dharka iyo kabaha.

– Waxaa kaloo ka mid ah noo meelmaray oo dib ugu habeynayno masruufka reeraha danyarta ah in dawooyinka caruurta reeraha danyarta ah laga dhigo lacag la’aan , ookiyaalaha aragtida laga saacido reeraha aan awoodin in ay caruurta u iibiyaan , dhamaan waxyaabahan waxaan qabnaa in ay waxtar u yeelan doonto dhaqaalaha qoysas faro badan. Waana wax aad annaga muhim noogu ah, ayey tiri Ulla Andersson.

Isha: Expresen

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista