Vetenskapsradion Klotet: "I Arktis samlas gifterna” Med luft och vattenströmmar sprider sig miljögifter från hela jordklotet till Arktis. På Svalbard tar forskare prover på fåglar för att få en uppfattning om vilka gifter som är i omlopp.  Foto: Pelle Zettersten/Sveriges Radio
Sawirle: Pelle Zettersten/Sveriges Radio

Wadahadallo u socda wasiirrada cimilada ee waddammada EU

Wasiirrada cimilada ee waddammada xubnaha ku ah EU ayaa kulan ku yeeshey maanta magaalada brugsel sidii ey uga wada xaajoon lahaayeen kulanka caalamiga cimilada (COP 21) ee ka dhici doona magaalada Paaris ee caasimadda dalka Faransiiska.

Siyaasadda EU ayaa salka ku haysa sidii sidii loo dhimi lahaa boqolkii afartan muddo 15 sannadood ah wasakhda hawada lagu sii daayo.

Maamulka Sweden ayaa horay u soo jeediyay in la dhimo wasakhda hawada lagu daayo boqolkiiba 50 illaa iyo inta laga gaareyo sannadka 2050, balse iminka uu maamulka dalku adeecay siyaasadda cimilada ee EU.

Åsa Romson ayaa middaa ku macneeysay in aan waddan keliya qorshe u gaar ah la tegi karin kulanka cimilada ee ka dhici doona magaalada Baariis.

Halka dhanka kale ey jireen waddammo horeyba u qabey in 40% ay tahay mid aad u sarreeysa, hase yeeshee iminka laga wada-hadleyo sidii meel la isugu iman lahaa.

Isha/ Ekot

                                                                                                           kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".