Budgeten. Foto: TT.
Budgeten. Foto: TT.

Soobandhigada Miisaaniyada Dawlada

Maanta ayaa dawladu waxay soo bandhigaysaa  soojeedinta miisaaniyadeedii iyada ay ka muuqdan qarashaadka iyo sidoo kale lacagta u soo hoyan doonta dawlada sannadka 2016 ka.

 Inta badan macluumaadka lagu soo bandhigay misaaniayda ayaa kuwo hore loo ogaa ama yaqaanay, haseyeeshee waxyaabaha maanta ku cusbaa waxa ka mid ahaa dawladaha hoose ee gobolada oo helay hal bilyan oo dheerad ah oo loogu talo galay daryeelka cafimaadka.     

Qarashaaadka ugu badan ayaa dawladu waxay ku bixin doontaa guriyaynta iyo suuqada shaqada, tusale ahaan guryo cusub oo la dhiso, shaqo abuuris , iskuulada iyo mushaharaad sareeya oo la siiyo macalimiinta intaa waxa sii dheer cimilada oo iyada ka mid ah waxyaabaha kharashaadka badan lagu bixin doono sannadka soo socda. Cashuuro ayaa iyagana la kordhiyay sida kuwa baatroolka iyo naaftada. Halka laga yareeyay cashuuraha ay ka mid ka yihiin kuwa laga qaado dadka waaýeelka ah ee ka fadhiistay shaqada. Halaka miisaaniyadan lagacta loogu talo galay maalgalintu ay tahay qiyaas dhan 25 bilyan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".