Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Qariideyn: In la qiimeeyo tacliinta ardayda dalka ku cusub

La daabacay fredag 25 september 2015 kl 14.53
Inuu fiisikada ku fiicnaado luqadduse hor istaagto
(5:47 min)
Pille Pensa Hedström vid Skolverket tycker att mottagandet av nyanlända elever måste bli bättre. Foto: Kenadid Mohamed/Sveriges radio
Pille Pensa Hedström oo ka howl-gasha hayadda maamulka iskuullada ayaa qabta in laga sii hagaajiyo qaabilaadda iskuullada ee ardeyda dalka ku cusub. Sawirle: Kenadid Mohamed/Sveriges radio

Waa in muddo laba bilood ah gudahood kolka ardaygu iskuulka bilaabo la qiimeeyo tacliinta ardeyda dalka ku cusb.

Hayadda hoggaanka iskuullada ayaa bishii feeberaayo ee sannadkii 2013 ay dawladdu u xil-saartay sidii ay u soo saari lahayd uguna baahin lahayd maamullada iskuullada dokument la xiriira qariideeynta-qiimeeyn ee ardeyda dalka ku cusub, tacliintooda iyo waayo-arag-nimadooda. Goolka laga leeyahay tallaabadan ayaa ah sidii loo xaqiijin lahaa tayada tacliinta, sinnaanta ee dhallaanka dalka ku cusub. Howshaasina oo laga qayb geliyay muddada howshaa lagu guda jiro laanta cilmi-baarista labada luuqadleyda ee jaamicadda Stockholm.

- Haddii la sameeyo baaritaan heerka tacliinta ee ardayga, dabadeed si hakad la'aan ah loo siiyo taageeradii uu u baahnaa, waxay macne wayn ugu fadhinaysaa sidii uu ku heli lahaa shahaadada imtixaanka tusaale ahaan maaddada fiisikada. Farqiga u dhexeeyaan wuxuu yahay in ardeyda dalka dibaddiisa ka soo jeeddaa ay culuuntii hayaan, lagase yaabee in aaney luuqaddii iswiidhishka ku ciil bixi karin.

Pille Pensa Hedström, hor-joogaha mashruuc loogu magac daray "qariideeynta aqoonta ardeyda dalka ku cusub:

Horraanta bisha jannaayo ee sannadka foodda inagu soo haya ee 2016 ayaa is-bedel lagu sameeyn doonaa xeerka lagu hago iskuullada, midkaasina oo khasab looga dhigi doono dhammaan maamullada iskuullada dalka sidii ey muddo laba bilood gudahood ah kadib kolka uu ardaygu iskuulka yimaado loogu sameeyn lahaa baaris la xiriirta aqoonta iyo waayo-arag-nimada uu ardaayga dalka ku cusubi la yimid, si ey howl-wadeennada iskuullada suurtagal ugu noqoto qiimeeynta, meeleeynta iyo taageerada uu ardeygu u baahan yahay.

Qiimeeynta iyo qariideeynta ardeyga dalka ku cusub ayaa ka kooban saddex qeybood oo middiiba qaadan doonto 70 daqiiqadood muddo ah. Middaa koowaad ayaa la xriirta sidii wax looga ogaan lahaa taariikhda dhallaanka, awoodiisa, waayo arag-nimadiisa iyo nolosha wixii uu horay ula soo kulmay. Midda labaad ayaa la xiriirta awoodda akhriska, qoraalka iyo aqoontiisa xisaabeed iyo midda saddexaad oo aan khasab ahayn sida labada hore hase yeeshe lagu ogaaneyo aqoonta uu ardeyga dalka ku cusubi u leeyahay maadooyinka kala duwan. Howshaasina oo ay dawladdu u xilsaartay hayadda maamulka iskuullada, sida ay sheegtay Pille Pensa Hedström, ahna maamulaha mashruuca:

- Waa howl la xiriirta sidii aan u soo diyaarin laheyn qoraal loo adeegsaneyo sidii baaris loogu sameeyn lahaa heerka tacliineed ee ardeyda dalka ku cusub. Waa howl dawladdu noo xil-saartay laga soo bilaabo 2013 illaa iyo 2016.

Wax ka bedelka sharcigan oo hir-geli doona horraanta sannadka 2016 ayuu sabab u ahaa iyada oo la arkay baahida loo qabo ammuurtan iyo in dhallaan badan ee dalkan ku cusub iyaga oo leh tacliintii looga baahnaa ey haddana muddo badan oo aan loo baahneyn ku ragaadaan iskuullada barashada luuqadaha ee dhallaanka dalka ku cusub - waxa loo yaqaanno "förberedelse klasser", isla-markaana aaney ka qeyb qaadan tacliinta caadiga ah ee lagu dhigo fasallada. Middaasina oo keenta iney lumiyaan ama buuxin kari waayaan shuruudihii looga baahnaa iyo sidii ey ugu gudbi lahaayeen tacliinta dugsiyada sare. Waana mid ey dhici karto inay wax ka badasho ammuurtaa, sida ay rajeeynayso Pille Pella Hedström oo wareeysi siisay idaacadda Radio Sweden, laanta af-soomaaliga:

- Is-bedelka xeerku wuxuu suurtagelinayaa in ardayga qayb un lagu xanibo fasallada diyaarinta ee lagu barto luuqadda iswiidhishka, halka uu dhanka kale maadooyinka qeyb la akhrisan doono ardeyda dhiggiisa ee fasallada caadiga ah dhigata, Iyo inaan dhammaan ardeyda dalka cusub lagu meeleeyn dugsiyada afafka un lagu barto ee diyaarinta luuqadda. Balse la eego natiijada ka soo baxda baaaritaanka ardayga lagu qariidadeeyay aqoontiisa, isla-markaana lagu meeleeyo fasalka uu ku habboon yahay iyo tacliinta uu u baahan yahay, sida ay sheegtay.

Isha/ Radio Sweden

                                                                                                     kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".