Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Foto: TT.
Foto: TT.

Sambabada oo ka xumaan kara caruurta qiiqa ku ag nool

Caruurta sannadka ugu horeeya ee noloshooda degan amba ku nool xaafadaha ay qiiqa ka soo baxa mashiinadu ku badanyahay ayaa dadyowga kale kaga dhow in ay sambabadu wax yeello soo gaadho marka ay qaan gaadhaan.

-Cilmi baadhistan waxaan ka aragnay in ay caruurta u dhow meelaha u jiro qiiqa mashiinada ka soo baxaa ay hadhow madooyinka ay halkan ka neefsadaan si xun u saameeyn karto caafimaadkooda , tusalahan in ay sambabadu dhaawacmaan, ayuu sheegay Erik Melén oo ah dhakhtarka caruurta, kana howlgala cusbitaalka Sacchska barnsjukhuset ee magaalada Stockholm.

Cilmi baadhahan ayaa imika sii baadhaya caruurta lagu sameeyay cilmi baadhistan si ay u eegaan in qiiqani ku jiro jidhkooda markey weynaadaan.

Caruurtan ayaa khatar ku sugan mustaqbalka oo cudurada xiiq,xasaasiyad amba cudurka sambabada ee KOL qaadi kara, hasayeeshe wuxu sheegay Erik Melén in arrinkan laga welwelin.

Isha/Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".