Nya sedlar. Foto: Sveriges Radio
Lacagaha cusub ee Sweden. Sawirle: Sveriges Radio

Ha ilaawiin lacagaha cusub ee Iswiidhan oo maanta laga bilaabo shaqeeynaya

Maanta ayuu bangiga dhexe ee Iswiidhen, Riksbanken, soo bandhigay lacag cusub oo isugu jirta waraaqo iyo qadaadiic.

Lacagtan ayaa lugu bedelaya kuwa iminka waddanka laga isticmaalo.Hasayeeshe wakhtii dheer ayey qaadan karta inta ay lacagtan boorsada lacagta soo gaadhi doonto, ayey sheegtay Susanna Grufman oo qeybta lacagta u qaabilsan bangigan.

Laga bilaabo maanta ayaa afar warqadood oo kala duwan la shaaciyay, kuwan ayaa dhowaan Iswiidhan lugu isticmaali doonaa. Waa lacagta waraaqaha 20,50,200 iyo 1000.

Hasayeeshe warqada 200 ee koroon ayaa bankomaatyada qaar laga heli karin, bangiga dhexe ee Iswiidhan ayaa hore u sheegay in ay warqadahani soo wada gaadhi doonan bankomaatyadda waddanka xilliga gu´ga sannadka dambe ee 2016.

Warqadahan ayaa laga bedelay dadkii hore ee ku sawirna oo badankoodu ahayeen boqoryo.Kuwan ayaa lugu bedelay shakhsiyo horumar ka sameeyay dhaqanka Iswiidhan.

Lacagahan cusub ayaa si taxader leh loo soo saaray si aan loo khiyaaneyn.

Bangiyadda iyo dukaamada ayaa maalmaha fooda inugu soo haya lacagahooda ku bedeli doona kuwa cusub.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista