Right Livelihood, Ole von Uexküll (Foto: Dieter Weiand / Sveriges Radio)
Ole von Uexküll vom Right Livelihood Award (Foto: Dieter Weiand

Abaalmarinta Right Livelihood

Waxaa maanta shaaca laga qaaday cidda sannadkan qaadanaysa abaalmarinta lugu magacaabo Right Livelihood oo mararka qaarkood loogu yeedho beddelka abaalmarinta Nobel.

Sannadkan ayuu Gino Strada oo ah dhakhtar Italiyaani ah oo asaasay ururka gargaarka Emergency lagu abaalmariyay halkan,sababta oo ah in u  dadyow faro badan oo wadamadoodi dagaal uga soo qaxay badbaadiyay.

Iyo Kasha Jacqueline Nbagasera oo ah gabadh dhinaca xuquuqda binaadanka u dooda, horumar na halkan ka sameeysay, khasataan ayey wakhtii dheer u doodaysay dadka isku jinsiga ah ee nolosha wadaaga ee loo yaqaano HBTQ ee waddanka Ugaanda.

Waxaa kale oo abaalmarintan ka qeyb qaadan doonta Sheila Watt-Cloutier oo ah gabdh waddanka Kanada ka timid . Sheila ayaa muddo dheer u hadlaysay xuquuqda dadka loo yaqaano ekimooga ah ee ku nool badda weyn ee arktis oo ku taala wareegga cirifka adduunka ,halkan oo jewigu is bedelay  sanadyadii ugu dambeeyay.

Tony de Brom ayaa isaguna qaatay abaalmarinta Right Livelihood. Tom ayaa hubta nukliyeerka ka doodayay muddo dheer, kana  soo horjeeday wadamadda hubkan maanta haysta. Dhowr waddan ayuu ka ashkatayey maxkamadda caalamiga ah ee ICJ. Tony de Brum ayaa islmarkaas na ka qeyb galay doodaha la xidhiidha deegaanka aduunka.

Isha/Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".