Bilden visar tullare som kontrollerar bilar vid betalstationen på den svenska sidan av Öresundsbron. Foto: Drago Prvulovic/TT.
Buundada Öresund ee isku xirta Sweden iyo Danmark ayaa lagu qabtay dhammaan dadka qarsoodiga ku soo geliya qaxootiga. Sawirle: Drago Prvulovic/TT.

Ciidanka xuduudda Malmö oo xoogga saarey ilaalinta xuduudda

Iyada oo waayahan dambe aad loo hadal hayey caqabadda soo-galootiga ee dalka ku soo qulqulaya ayuu dhanka kale ciidanka ammaanka ee magaalada Malmö gacanta ku dhigay 45 ruux oo lagu tuhun-san yahay isku day iney si dhuumaaleeysi ah uga soo tallaabiyaan qaxooti buundada Öresund oo isku xirta Sweden iyo Danmark

Qaar badan oo dadyoowgaa ka mid ah ayaa ku andacooneya inuu falkaasi ka ahaa mutadawac-nimo iyo naxariis.

Mid ka mid ah dadyoowgaa oo toddobaadkan la hor keeney maxkamad ayaa ah muwaadin u dhashay dalka Jarmalka oo 59 jir ah. Isagoona dalka Jarmalka ka soo kaxeeyay haweenay iyo saddexdeeda ilmood una soo kaxeeyay dalka Sweden. Qoyskan oo qaraabo la ah gabar ay ninka walaalkii dhashay ayaa magan-gelyo ka dalbaday dalka Sweden kolkii ey soo gaareen.

– Waxay ahaayeen dad uu ka naxay, waana sababta uu u caawiyay, hase yeeshee aanu wax macaash ah ka helin, isla-markaana aannu ku talo-gelin inuu xeerarka Sweden u deg-san jebiyo. Laakiin xaaladdu ma noqon sidii uu filayay, sida ay sheegtay gar-yaqaankiisa Sophie Palmgren Paulsson.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".